Adebayore oo amaah lagu siiyay Tottenham

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, August 28th, 2011
Readers:487

Kooxaha Tottenham ayaa ugu dambeyn soo afjartay heshiiska ciyaaryahanka kooxda Manchester City Emaneaul Adeboyor sida lagu shaaciyay webka kooxda.

Heshiiska Adebayor ayaa ah mid hal sano oo amaah sida lagu sheegay bayaanka ay Tottenham soo dhigtay webkeeda,waxaana uu weeraryahankaan ku biiraya liiska dheer ee weeraryahanada kusugan kooxda.

Tababare Harry  Redknap oo waayahan la tacaalayay xaalada ciyaaryahanka doonayay in la iibiyo ee Modric  ayaa sheegay
inuu ku faraxsanyahay heshiiska Adebayor uuna ka rajeynayo wax badan.

27-sano jirkaan dalka Togo Adebayor ayaa half-kii dambe xilli ciyaareed hore amaah ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid,isagoona 22-kulan uu usaftay u saxiixay 8-GOAL.

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>