Afduubkii loo heystay John Obi Mikel Aabihii oo laga sii daayay
Aabaha dhalay xiddiga qadka dhaxe ugu ciyaaro kooxda Chelsea John Obi Mikel ayaa la sii daayay isagoo nabad qabo ka dib toban maalmood uu ku jiray gacanta koox afduubatay.
Michael Obi oo tan iyo 12-bishaan la la’sanaa ayaa waxaa afduub ahaan loogu heystay magaalada Kano ee dhanka waqooyi ka xigta Jos oo ah halkii markii hore laga afduubtay.
Wararka ayaa sheegaya in Police-ka magaalada Kano uu gacanta ku hayo kooxdii afduubka u heysatay Michael Obi.
John Obi oo isagoo og afduubka aabihii saftay labadii kulan ee kooxda Chelsea ka ciyaartay Premier League ayaa xaqiijiyay sii deysmada aabihii,waxuuna u mahad celiyay dhamaan intii gacanta ka geysatay sii deynta aabihii Michael
“..waxaan halkaan ugu mahad celinayaa qoyskeyga,maamulka iyo taageerayaasha kooxda Chelsea iyo dhamaan intii gacanta ka geysatay sii deynta aabahey Michael Obi..” Obi Mikel ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay.
Xuseen Maxamed Cabdulle “Riiko”



