Bahda Isboortiga Soomaalida ee Ingiriiska oo baaq u diray Madaxda dowladda Soomaaliya

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, August 28th, 2011
Readers:324

Waxaa magaalada London bishaan barakeysan ee Ramadaanka biloowgeedii ka furmey wadatashiyo ay yeelanayeen bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee  dalkaan Ingiriiska degan, kuwaasoo ay uga arinsanayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen  marxaalada halista ah ee  isboortiga dalka Soomaaliya ku sii socdo iyo sidii loo badbaadin lahaa iyo si isboortiga kaalintii  uu bulshada  ku lahaa ugu cayaari lahaa mustaqbalka, iyagoo iskood iskugu xilqaamey sidii uga dhiiban lahaayeen kaalintood wadaninimo ee lagu hormarinaayo isboortiga..

Bahweynta Isboortiga ee arimahaan ka wada hadlayay ayaa u badnaa dad isboortiga Soomaaliyeed mudo dheer kaga soo shaqeeynayay   barisamaadkii,hadii ay ahaan leheyd Wasaaradii  Isboortiga iyo Dhalinyarada, madaxdii kooxihii hore ,ciyaartooydii hore kubadda cagta iyo kubadda koleyga, garsoorayaashii cayaaraha iyo ururada isboortiga ee ka dhisan magaalada London sida Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliya, Somaliweek,Ururka ciyaartooydii hore (SSAUK).

Bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee reer  Ingiriis ayaa  Ramada Restaurant shirkoodii ugu dambeeyay  ku yeeshay , iyadoo gudiyadii ay hore ugu xilsaareen inay soo diyaariyaan dhambaalka loo dirayo madaxda sare ee dowlada Soomaaliya  ayay halkaasi ku soo bandhigeen baaq ay u direen madaxada dowladda KMG ah.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadley macalin Xasan Faarax ‘’John’’ oo xiriirinayay barnaamijka baaq gudbinta isboortiga islamarkaana faahfaahin ka bixiyay shirarka hore u soo dhacay iyo waxyaabihii ka soo baxay ee maanta halkaan la rabo inay ka gudbiyaan odayaasha isboortiga magaalada London, ka horna waxaa halkaasi aayado Quraan ah ka aqriyay Macalin Axmed Bile.

Kadib waxaa barnaamijka lagu wareejiyay   Mudane Danjire Maxamed Axmed Caalim oo ka mid ahaa gudigii soo diyaariyay baaqaan ayaa sheegay  sababta ay u gudbinayaan fariintaan inay tahey inay aragtidooda  iyo taladooda u gudbiyaan madaxda Dowlada Soomaaliya ee kaga aadan Isboortiga iyo dhalinyarada, iyagoo  tilmaamaya sidii  loo samatabixin lahaa isboortiga dalka, islamarkaana ay uga shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa isboortiga, madaama ay joogaan dalkaan dad badan oo isboortiga horumarintiisa qayb weyn ka geysan kara mustaqbalka, hadaladiisana waxaa ka mid ahaa inaysan dooneynin wax jago ah islamarkaana ay ka shaqeeynayaan sidii hay’addaha isboorti ee dalka ka jira ay u noqon lahaayeen kuwa wada shaqeeya oo isku xiran islamarkaana ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan iyagoo aan shuruud ku xireyn si ay dalkooda iyo isboortiga dalka ugu faaideeyaan aqoontooda  madaama mudo dheer ay kaga soo shaqeynayeen isboortiga dalka barisamaadkii.

Waxaana isku afgaraney inaan 4 warqadood oo xiran oo baaq gudbin ah u dirno madaxda Dowlada Soomaaliya sida :

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed  Mudane Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aden.

Raisal Wasaarada Xukumadda Soomaaliya mudane Raisal Wasaare  Dr.Cabdi-Weli  Maxamed Cali ”Gaas”.

Wasiirka Isboortiga  iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Wasiir Maxamed Muxyadiin Sheekh Mursal.

Waxaana iyana halkaasi warqadihii ku socdey madaxda Dowlada iyo kalmado kooban oo dardaaran isboorti ahaa ka jeediyay odayaasha isboortiga kale ah:

Mudane Qareen Xuseen Diiriye, Mudane Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye, Mudane Garsoore Muriidi Zein iyo Danjire Caalim, waxaana warqadahaasi loogu dhiibey inuu gacanta uga geeyo madaxda Dowlada Mudane Xildhibaan Cali Sheekh Cabdulaahi ”Afgooye ”oo hore uga soo noqdey xukumadii hore Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo Dhalinyarada.

Mudane Xildhibaan Cali Afgooye ayaa halkaasi ka sheegay inuu gaarsiin doonaan baaq gudbintaan qoraalka ah ee loogu dhiibey masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan hadii Allah idmo.

Waxaa fadhigaan lagu gudbinayay talooyinka isboortiga Qurbajoogta dalka Ingiriiska goob joog ka ahaa:

Mudane Axmed Nuur ‘’Sayga Ruushka’’, Mudane  Maxamed Ciise ‘’Digeeye,, Mudane Shidane Buraale, Mudane MaxamedBuuwe, Mudane Maxamed Cali Xaaji , Mudane Axmed Bile, Mudane Macalin Xasan Faarax ”John”, Mudane Muqtaar, Mudane Qeys,Mudane Wiish,Mudane Cabdifatah Sanweyne iyo Yusuf Maxamed Cabdi ‘’Yyusuf’’.

Baqaan oo ahaa kii ugu cuslaa oo ay u gudbiyaan Dowlada Soomaaliya  bahda qurbajoogta isboortiga Soomaaliyeed ayaa la filayaa talooyinka ku qodobeysan inay mustaqbalka wax badan looga faa’ideysan doono sidii isboortiga Soomaaliyeed loo horumarin lahaa.

Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>