Chelsea, Arsenal & Liverpool oo bareejooyin ku bilaabay furitaanka horyaalka Premier League

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, August 14th, 2011
Readers:397

Macalin Andre Villas-Boas ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka  Premier League ee isagoo macalin u ah  Chelsea wuxuu ku dhameystay bareejo gool la.aan ah oo uu la galay kooxda Stoke City kaasoo ka dhacay garoonka  Britannia Stadium , bilowgii ciyaarta, Chelsea waxey u muuqatay mid isku dhexyaacsan laakiin qeybtii danbe ee ciyaarta iyada ayaa maamulka la wareegtay , iyadoo garsoore  Mark Halsey, uu dhowr rigoore ka diiday Chelsea.

Arsenal iyo  Liverpool ayaa sidoo kale niyad jab kala hoyaaday furitaanka horyaalka  English Premier League markii ay bareejooyin la kala galeen kooxihii ay la ciyaareen., kooxda  Gunners waxey ku guuldareystay iney wax gool ah ka dhaliso  Newcastle oo ay la gashay  0-0.

Weeraryahanka xulka Ivory Coast  Gervinho oo kulankiisii ugu horeeyay y u saftay Arsenal ayaa ku guuldreystay inuu wax gool ah u dhaliyo kooxdiisa intaa waxaa u dheer in ciyaarta laga saaray  14 daqiiqo markii ay ka dhimaneyd waqtigii loogu talagalay ciyaartu.

Liverpool oo hogaanka u heystay  Sunderland ciyaartii ka dhacday  Anfield markii ay gool ka heshay  Luis Suarez daqiiqadii 12aad ayaa 1-1 la dhaafi weysay wallow weeraryahanka reer  Uruguay uu kooxdiisa gool rigoore ahaa ka qasaariyay,  Sebastian Larsson ayaa goolka bareejada ah u dhaliyay Sunderland daqiiqadii 57aad.

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>