Chelsea iyo Liverpool oo hogaanka ku wada fadhiya
by Suni Said Salah | Posted on Sunday, August 28th, 2011
Readers:487
LONDON, (CIYAARO) - Juan Mata ayaa u dhaliyay kooxdiisa cusub ee Chelsea goolkiisii ugu horeeyay, markii ay 3-1 kaga badisay kooxda dhawaan ku soo biirtay horyaalka ee Norwich City, hayeeshee Jordan Henderson iyo Charlie Adam ayaa Liverpool iyagana u kala dhaliyay goolashii ugu horeeyay markii natiijo 3-1 ay kaga taqaluseen Bolton Wanderers. guulahaasi waxey 2da kooxood siineysaa dhibco isku mid ah oo ah min 7 dhibcood, min 3 kulan oo ay wada ciyaareenand, natiijadaasi waxey u dhiibeysaa hogaanka sare ee horyaalka Premier League waxaana ku wehlisa Wolverhampton Wanderers, taasoo 0-0 la gashay Aston Villa. Manchester City iyo Manchester United, oo la kala ciyaara Totteham iyo Arsenal ayaa kooxdii badisa waxey yeelan doontaa 9 dhibcood iyada ayaana horyaalka hogaankiisa la wareegi doonta respectively. Blackburn Rovers ayaa waxey tahay kooxda ugu hooseysa horyaalka markii ay wax guul ah heli weysay, kadib markii ay Junior Hoilett iyo Mauro Formica ay ka kala qasaariyeen 2 gool oo rigoore ah, ciyaartii ay 1-0 qsaarada ah ka qaateen Everton
Related posts:
Melo oo canbaareeyay Juve
Ciyaartoyda oo laga mamnuucay marada qoorta lagu xirto
Arsenal survive to reach Champions League



