Manchester City oo goolal ku harqisay Tottenham

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, August 28th, 2011
Readers:462

LONDON (CIYAARO)—Edin Dzeko ayaa 4 gool oo uu u dhaliyay  Manchester City wuxuu ugu suuragaliyay in ay 5-1 ku xasuuqaan Tottenham, taasina waxey muujineysaa  iney tahay  koox awood badan, isla markaana u sharaxan sanadkaan hanashada horyaalka Premier League.

Samir Nasri oo kulankiisii ugu horeeyay city galabtay u ciyaaray ayaa 2 ka mid ah goolasha  Dzeko sabab ahaa , weeraryahanka reer  Bosnian wuxuu kaloo goolashii ka helay  Yaya Toure.

City waxaa lagu qarash gareeyay aduun gaaraya  $1 billion hal sano gudaheed si ay ciyaartoy tayo leh u helaan oo kaliyaha, natiijadaana waxey u muuqataa in  Sheikh Mansour-oo ah milkiilaha kooxda uu hada helay weeraryahano isla jaan qaadi kara oo ay kooxdu leedahay.

City sidii horyaalka cusub uu u bilwoday waxey dhalisay  12 gool, 3 kulan oo ay ciyaartay..

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>