Man United oo difaacashada horyaalka ku bilowday guul

by Suni Said Salah | Posted on Monday, August 15th, 2011
Readers:306

Manchester United ayaa horyaalka ay difaacaneyso ee  Premier League ku bilowday guul kadib markii ay  2-1 kaga badisay  West Bromwich Albion xalay , halka  Andre Villas-Boas oo kulankiisii ugu horeeyay  Chelsea ciyaarsiiyay uu ku dhameystay  0-0 uu la galay  Stoke.

United, oo dooneysa iney sanadkaan qaado horyaalkii 20aad ee  England, ayaa goolka guusha waxaa faraha ka saaray Ashley Young daqiiqadii  81aad. Wayne Rooney ayaa United u dhiibay hogaanka ciyaarta markii uu 1-0 ka dhigay ciyaarta daqiiqadii  13aad,  goolka West Brom waxaa u dhaliyay daqiiqadii  37aad Shane Long kaasoo si fudud kubada ku dhaafiyay  goolhaye David de Gea, goolkaasi wuxuu calaamatul su’aal dul dhigayaa goolhayaha reer Spain ee  20-sano jirka ah.

Kooxaha waaweyn ee horyaalka waxey todobaadkaan wada galeen bareejo kuwaasoo ay ka mid yihiin Chelsea,  Arsenal iyo Liverpool. kooxda maalaayiinta dolar  suuqa ku faraqeysa ee  Manchester City waxey martigalin doontaa maanta Swansea.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>