Messi oo ku guuleystay abaalmarinta UEFA Best Player in Europe
Xiddiga sare xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Leonal Messa ayaa loo caleema saaray inuu yahay xiddiga ugu fiican qaarada yurub ka dib xaflad balaaran oo ka dhacday magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.
24-sano jirkaan dalka Argentina kasoo jeeda ayaa waxaa abaalmarinta kula tartamayay Captain Xavi oo ay isku koox yihiin iyo Cristiano Ronaldo,balse cod bixintii la qaaday ayuu Messi ku helay numberka kowaad ee yurub.
Waxuuna Messi nasiib u yeeshay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku guuleysta Uefa Playe of the year madaama ay sanadkaan xiriirka yurub ee Uefa uu la wareegay abaalmarinta yurub ee (Ballone d’or) ay horay ubixin jirtay majalada France football.
Messi markii uu abaalmarinta ka gudoomay gudoomiyaha Uefa Platini ayuu ugu horeeyn u mahad celiyay
saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin,isagoona qiray in la’aantooda uusan ku guuleysan laheyn abaalmarintaan.
Messi oo 53-Goal dhaliyay dhamaan tartamadii xilli ciyaareedki hore saftay ayaa Dhanka kale meesha kala tagay abaalmarin 2-aad,taasoo ku helay goolkii uu ka dhaliyay kooxda Real Madrid lugtii hore ciyaartii semi finaalka Champions League.
Cod bixintii loo qaaday goolkii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii hore Uefa Champions League ayaa loogu codeeyay
goolkii 2-aad ee Messi uu ka dhaliyay Real Madrid ciyaartii Bernabeu ka dhacday ee 2-0 ku badiyeen kooxda Barcelona.
Goolka Messi ayaa waxaa la tartamayay 10-GOAL oo la soo xulay,,iyadoona sadax ka mid ah goolshaas la sheegay in Messi ku tartamayay.
Codbixinta waxaa sameeyay guddi ka kooban 53 journalists oo ka kala yimid xubnaha ama xiriirada ku bahoobay ururka UEFA, kuwaaso codbixinta sameeyay ka hore intii aan la sameyn isku aadka Champions League heerkiisa group stage oo xalay Monoco lagaga dhawaaqay.
Xuseen Maxamed Riiko




wuu u qalmaa ninkaaan messi ladhaho maxa yelay naadiyaasha hada jiraan o dhan wax celin karo malahan