United oo ku barbaratay Arsenal markii ay 8 gool u saarisay
LONDON (CIYAARO)—Manchester United ayaa ku barbaratay kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal markii ay galabtay ku kulmeen kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League , Arsenal oo aad looga ciyaar wanaagsanaa ayaa waxaa loo geystay xasuuq aan caadi aheyn , kadib markii dhabarka loo saariyay 8-2 , waana goolashii ugu badnaa ee galabtay horyaalka laga dhaliyo marka laga soo tago kuwii ay City kaga badisay Tottenham oo gaarayay 5-1.
Edin Dzeko oo 3 gool u dhaliyay City ciyaartii ka dhacday White Hart Lane, ayaa waxaa u jawaabay Wayne Rooney oo kooxdiisa horyaalka difaacaneysa u dhaliyay tiro intaasi la eg.
United waxey horyaalka ku hogaamineysaa gool tirsi maadaama ay xagga dhibcaha iskaga mid yihiin City , labada kooxood ee isku magaalada ah waa kuwo kaliyaha ee 3dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka wada badiyay.
Arsenal 3dii kulan oo ay ciyaartay waxey ka heshay hal dhibic oo kaliyaha., guuldaradaana waxey Gunners u tahay tii ugu cusleysay ee ku dhacda intii uu macalinka u ahaa Arsene Wenger.
United waxaa goolasha u kala dhaliyay Ashley Young, Danny Welbeck, Nani iyo Ji-Sung Park oo ay la socoto 3da gool ee Rooney kuwaasoo 2 ka mid ah ay ahaayeen laadadka xorta ah ( free-kicks) halka kan soo harana uu ahaa rigoore, Arsenal waxaa 2da gool u kala dhaliyay Theo Walcott iyo Robin van Persie.
Van Persie wuxuu kooxdiisa ka qasaariyay gool rigoore ahaa oo loo dhigay xilli ay ciyaarto mareysay 1-0 oo ay United hogaanka ku heysay.




United oo ku barbaratay Arsenal markii ay 8 gool u saarisay.