AC Milan oo farqaha ku dhagan Barca

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 29th, 2011
Readers:543

MILAN (CIYAARO)—AC Milan ayaa hoganka Group H ee tartanka Champions League waxey isku heystaan Barcelona  markii ay  2-0 kaga badisay kooxda reer  Czech ee  Viktoria Plzen.

Zlatan Ibrahimovic ayaa goolka 1aad oo rigoore ahaa dhaliyay daqiiqadii  53d , kadibna wuxuu kubad kale siiyay  Antonio Cassano oo goolkii 2aad shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 66d ciyaartii ka dhacday  San Siro.

Barcelona iyo Milan waxey hogaanka sare ku wada wadaagaan 4 dhibcood, halka  Plzen iyo BATE Borisov ay wada leeyihiin min hal dhibic.

Barcelona waxey BATE ku garaacday 5-0 kulankii xalay. Milan kulankii 1aad waxeu 2-2 la gashay Barcelona, halka Plzen ay 1-1 la gashay BATE.

Milan waxey kulanka soo socda waxey martigalin doontaa BATE  Oct. 19, halka Plzen ay booqan doonto  kooxda koobka heysta ee Barcelona.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>