Arsenal oo guushii 1d ee Champions League heshay
LONDON (CIYAARO)—Alex Oxlade-Chamberlain iyo Andre Santos ayaa qeybtii 1d u kala dhaliyay Arsenal 2-1 ay kaga badiyeen Olympiakos kulankii Champions League ee xalay.
Xiddiga 18-sano jirka ah ee Oxlade-Chamberlain ayaa goolka 1aad dhaliyay daqiiqadii 8d ee ciyaarta, kaasoo ahaa goolkiisii 1aad ee Champions League halka Andre Santos uu ciyaarta ka dhigay 2-0 daqiiqadii 20aad.
Gunners kulankii 1d waxey 1-1 la gashay Borussia Dortmund. hayeeshee guusha xalay waxey Arsenal siineysaa 4 dhibcood oo Group-ka F ah, halka Olympiakos ay leedahay zero.
Sidaasi oo ay tahay Gunners waxaa dhaawac ugu maqan Gervinho , Theo Walcott, midfielder Jack Wilshere iyo Laurent Koscielny.
Goolashaasi waxey Arsenal u yihiin kuwii 200 ee tartanka Champions League.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



