Cadday iyo ururkiisa oo casumay Macalin Tuke

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, September 28th, 2011
Readers:291

Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada Manchester ayaa si heer sare ah soo dhaweyn iyo sii sagootinba ugu sameysay magaaladooda macalinkii hore  kooxda Jeenyo iyo Gaadiidka macalinkii Qaranka Cabdulaahi Xasan Saalax ‘’Tuke’’  iyo wiilkiisa Maxamed Tuke oo isna  ahaa ciyaaryahan hore  kubadda cagta dalka Soomaaliya barisamaadkii ka soo dheeli jirey, kuwaasoo todobaadkii la soo dhaafey booqasho ku joogay magaalada London.

Jaaliyada Isboortiga magaalada Manchester, Bolton iyo Liverpool ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay macalinkii weynaa iyo wiilkiisa, iyagoo qado iyo casho sharafba ugu sameeyay maqaayad weyn oo ku taal bartamaha magaalada Manchester, kadibna waxay booqasho ku geyeen garoonka weyn ee kooxda Manchester ee loo yaqaan  ‘’Old Trafford’’.

Waxaa halka booqasho gaaban iyo salaan ugu yimid macalin Tuke ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee u dheela kooxda Manchester City ciyaaryahan Cabdisalaam Ibraahim, si uu arko macalinka islamarkaana uu barto.

Macalin Tuke ayaa u aadi doona Soomaaliya oo uu doonayo inuu ka soo qabto howlo isboorti oo dhaxal gal, islamarkaana ka codsadey bahda isboortiga inay taageeraan in isboortiga gudaha dalka dhan la gaarsiiyo iyadoo loo wada dhan yahay.

Xafladatan waxaa soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Ururka taageerayaasha dhalinta Olympic-ada  Soomaaliyeed mudane Abdikadir Caddaay isagoo halkaasi ka sheegay in loo baahan yahey in loo istaago taageerida ciyaartooyda Soomaaliyeed ee uga qayb gali doonta cayaaraha Olambikada London 2011.

W/D:Yusuf Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>