Chelsea oo ku garab dhacday Valencia

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 29th, 2011
Readers:343

VALENCIA, Spain (CIYAARO)—Roberto Soldado ayaa ka fujiyay kooxdiisa Valencia markii uu xilli danbe u dhaliyay gool rigoore ahaa, kaasoo ay  1-1 kula galeen Chelsea, kulankii  Group-ka E ee tartanka Champions League .

Soldado ayaa goolhaye Petr Cech u diray wado qaldan daqiiqadii 87d markii loo dhigay krigoore uu gacanta ku qabsaday Salomon Kalou oo ciyaata badal ku soo galay isagoo ku jira xerada ganaaxa.

Frank Lampard ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea daqiiqadii 56th.

Bareejadaasi waxey Chelsea siineysaa 4 dhibcood 2 kulan oo ay ciyaartay  Group E, halka  Valencia ay leedahay 2 dhibcood 2 kulan oo ay ciyaartay markii kulankii 1aad ay bareejo sidaan oo kale ah la gashay kooxda reer Belgian ee Genk.

Bayer Leverkusen ayaa kulan kale oo ka tirsnaa group-kaan waxey 2-0 kaga badisay  Genk. Chelsea kulanka soo socda waxey martigalin doontaa Genk  Oct. 19, halka  Valencia ay u safri doonto Bayer Leverkusen.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>