Chelsea oo u gacan haatineysa Mario Gomez

by Suni Said Salah | Posted on Friday, September 23rd, 2011
Readers:1245

Kooxda k/cagta Chelsea ayaa qorsheeneysa in bisha January ee sanadka dambe inay lasoo wareegto weeraryahanka xulka Germany iyo kooxda Bayern Munich Mario Gomez si uu badal ugu noqdo weeraryahanka ay ka taalo waayahaan ee Fernando Torres.

The Daily Star ayaa maanta sheegtay in kooxda Chelsea ay diyaarineyso lacag dhan £34m oo bisha January u gudbiso kooxda Bayern Munich si ay ugu hesho weeraryahankeeda Mario Gomez oo ay u rabto inuu u badalo Fernando Torres.

Tababaraha Blues-ka boss André Villas-Boas ayaa doonaya inuu kooxda keeno weeraryahan tayo wanaagsan leh waa haddii uu Torres ku sii socda qaab ciyareedka liita ee haatan uu ku bilowday,waxaana target-ka kowaad ee Blues boss André Villas-Boas yahay Gomez oo haatan wacdaro xoogan ka dhigaya horyaalka Jarmalka.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa dooneysa inay heshiis cusub ka saxiixato Gomez oo qandaraaskiisa dhacaya 2013 si ay ugu  hortagto dalabka kooxda Chelsea.

Gomez ayaa sanadkii in 2009 kooxda Bayern kaga soo biiray Stuttgart,isagoona £26m lagula soo wareegay oo aheyd  lacagtii ugu badneyd ee abid ciyaaryahan lagu iibsado horyaalka Jarmalka,waxuuna shantii kulan u dambeysay uu saftay xili ciyaareedkaan saxiixay sideed gool.

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. saami says:

    dalabka chelsia maahan mid soconaayo torrys ayeyyy ceebeeyaay luugu darimayo gomez

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>