Ciyaaryahan xabsiga loo taxaabay

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 22nd, 2011
Readers:382

Weeraryahanka kooxda Real Zaragoza Braulio Nobrega ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu dhibaatooyin u geystay haweeney dagan magaalada ay ka dhisantahay kooxda Zaragoza.

Braulio Nobrega oo xilli ciyaaredkiisa labaad ku qaadanaya kooxda Zaragoza ayaa halis ugu jira in laga xukumo xabsi u dhaxeeyay hal ilaa shan sano waa haddii lagu helo dacwada haatan loo heysto,iyadoona sidoo kale ay jiraan sadax dhacdooyin la mid ah mida haatan loo heysta.

Dhacdada loo heysto ciyaaryahanka ayaa ka dhacday tuulo u dhow Zaragoza subaxnimadii isniinta ka hor saacado xilliga tababarka ciyaartooyda kooxda ay ku balansanaayeen,iyadoona markasi ka dib haweeneydii dhibanaha aheyd ay dacwadeeda soo gaarsiisay baliiska magaalada Zaragoza,kuwaasi oo wax yar ka dib gacanta kusoo dhigay ciyarayahanka.

Dhanka kale goor dambe oo maanta ah ayaa kooxda Real Zaragoza waxey webkeeda ku shaacisay in ciyaaryahankeeda Braulio Nobrega damiin ahaan lagu soo daayay,balse waxaa ciyaaryahanka laga saaray ciyaartii ay caawo kooxdiisa la leedahay  naadiga Real Betis,isagoona haatan sugaya xukunka kama dambeysta ah ay ku rido maxakamada sare ee magalada Zaragoza.

xuseen Maxamed  Cabdulle”Riiko”

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>