Dortmund oo heeryadii guul la’aanta iska tuurtay
BERLIN (CIYAARO)—Lukasz Piszczek ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Borussia Dortmund taasoo keentay in kooxda horyaalka Bundesliga difaacaneysa ee Dortmund ay 2-1 kaga badiso Mainz.
Difaaca reer Poland goolkaasi wuxuu dhaliyay daqiiqadii 90d taasoo keentay in Dortmund ay iska soo afjarto 3 kulan oo aysan wax guul ah hore u helin. Piszczek goolkaasi wuxuu ka laaday 30 tilaabo meel u jirta goolka , wuxuuna sidaa Dortmund gacanta ugu galiyay guushii ugu horeysay.
Mainz kulankaan wuxuu u yahay kii 5d oo isku xiga oo aysan badin .
Schalke ayaa badisay markii ugu horeysay tan iyo markii uu ka tagay kooxda macalin Ralf Rangnick waxeyna 4-2 kaga badisay Freiburg.
Wolfsburg ayaa 1-0 kaga tilaabsatay Kaiserslautern, Borussia Moenchengladbach ayaa hogaanka u heysa horyaalka markii ay 1-0 ku macasalaameysay Nuremberg halka Augsburg oo horyaalka ku cusub ay wali tahay kooxda aan wax guul ah helin markii ay 0-0 la gashay Hannover.
Sunni Said Salah



