Giggs oo goolkii bareejada ahaa ka dhaliyay Benfica

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 15th, 2011
Readers:339

LISBON, Portugal (CIYAARO)—Ryan Giggs ayaa goolkii bareejada ahaa 3 daqiiqo ka hore u dhaliyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta  kooxdiisa Manchester United kaasoo ay 1-1 kula galeen kooxda Benfica furitaanka tartanka  Champions League.

37-sano jirka  Giggs la yiraah wuxuu goolka uu dhaliyay ka helay  Antonio Valencia, dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta.

Goolkaasi wuxuu tirtiray kii uu dhaliyay Oscar Cardozo daqiiqadii  24aad , labadaasi kooxood waxey ku wada jiraan Group C.

United , waxey horyaalka  Premier League, ku bilowday wacdaro la yaab leh iyadoo heshay 4 guul oo xiriir ah oo ay intaa u sii dheertahay iney dhalisay 18 gools.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>