Inter oo macalin cusub u qorotay Ranieri

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 22nd, 2011
Readers:558

Kooxda Inter Milan ee ka dhisan dalka Talyaniga ayaa si rasmi ah webkeeda ugu shaacisay in Claudio Ranieri ay u magacawday tababaraha cusub ee kooxdaas,isagoona badal u noqon doono tababare Gasperini oo maalintii shalay aheyd xilka laga qaaday

Waxaana sidoo kale Webka kooxda lagu xusay in Ranieri oo horay usoo tababaray kooxaha Chelsea,Valencia,Juventus iyo Roma inuu saxiixay heshiis gaaraya ilaa 30 June ee sanadka  2013,isagoona lagu wado in maanta galinka dambe uu tababarkiisa koowaad  kooxda siiyo ka dibne malainta jimcada ah si rasmi ah loogu soo bandhigo warbaahinta.

“..Aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii magacaabo tababaraha cusub ee kooxda Inter,balse waxaan ka xumahay xaalada ay haatan ku sugantahay naadiga,waxey ku bilowdeen sida liitada,laakiin is badal ayaan rajeynaa inaan goor dhow ku sameeyo kooxda..”  sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Ranieri.

Si kastaba maalintii shalay ayay aheyd markii tababare Gasperini laga ceyriyay kooxda ka dib markii uu u horseeday natiijooyinkii ugu xumaa kooxda mudo sanado badan ka dib,,waxaana ay kooxda guuldareysatay dhamaan kulamadii ay xilli ciyaareedka  cusub ciyaartay marka laga reebo kulankii ay Roma bar bardhaca la gashay.

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”
xuseenriiko@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>