Man City oo guuldaro kala hoyaaday Bayern
MUNICH (CIYAARO)—Mario Gomez ayaa 2 gool oo uu qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay Bayern Munich waxey 3dii dhibcood kaga xayuubsadeen kooxda ugu qanisan aduunka ee Manchester City markii 2-0 dusha loo saaray kulankii xalay ee Champions League.
Gomez ayaa 2daasi gool kala dhaliyay daqiiqadihii 38d iyo 45d, hayeeshee labadaasi marba wuxuu qalqal kala kulmay goolhayaha City Joe Hart.
Guushaasi waxey Bayern siineysaa iney hogaanka u qabto Group A markii ay aruursatay 6 dhibcood 2dii kulan oo ay ciyaartay. Napoli oo ku soo xigta ayaa leh 4 dhibcood markii ay ka badisay Villarreal.
City waxey guusheeda 1aad ka rajeyneysaa iney ka hesho Villarreal oo ay martigalin doono 18 Oct, hayeeshee waxey dhibaatooyin hore leh ku furmeen macalin Roberto Mancini kadib markii uu xalay diiday inuu kulankaasi ciyaaro weeraryahaka reer Argentina Carlos Tevez kaasoo diiday inuu badal ahaan ciyaarta ku galo qeybtii danbe.
Macalin Mancini oo xanaaqsan ciyaarta kadib ayaa yiri waxaan doonayaa in kooxda laga saaro Tevez.
Mancini ayaa sidoo kale wuxuu xalay diidmo kala kulmay weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko, kaasoo u muuqday inuusan ku faraxsaneyn markii la badalayay qeybtii danbe.
Sunni Said Salah



