Man United oo dirqi kaga fakatay Basel
LONDON (CIYAARO)—Ashley Young ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League ku badbaadiyay xalay Manchester Untied taasoo daqiiqadii ugu danbeysay heshay goolka bareejada ahaa ee ay 3-3 kula gashay Basel, United waxey ciyaarta oo ka tirsaneyd Group C ay xilli ku hogaamineysay 2-0.
Xiddiga 20-sano jirka ah ee Danny Welbeck ayaa 2 daqiiqo gudahood qeybtii hore wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 , iyadoo 2daasi gool uu dhiibay Ryan Giggs.
Alexander Frei ayaa Basel ka soo guday goolashii lagu lahaa, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-2 hayeeshee kooxda heysata horyaalka Swiss waxey hogaankii ciyaarta si la yaab leh ugu dhiibay Frei kaasoo gool rigoore ah u dhaliyay daqiiqadii 76d ee ciyaarta.
Bareejadaasi waxey United siineysaa 2 dhibcood oo kaliyaha iney ilaa iyo hada ka heshay 2dii kulan oo ay ciyaartay, halka Basel ay hogaanka group-ka C ku fariisatay markii ay heshay 4 dhibcood , waxaana hogaanka la wadaagta Benfica, oo kulankii kale ee groupkaan 1-0 kaga badisay kooxda koobkaan ku cusub ee Otelul Galati.
Sunni Said Salah



