Messi oo noqday gool dhaliyaha 2d ee taariikhda Barca
LONDON (CIYAARO)—Lionel Messi ayaa mar kale jabiyay mid ka mid record-dii gool dhalinta ee u yiilay Barcelona markii uu dhaliyay 2 ka mid ah 5-0 ay kaga badiyeen BATE Borisov , natiijadaasi waxey Barca gool tirsi kaga sara marineysaa AC Milan tartanka Champions League ee Group G.
Messi goolashaasi waxey tirada goolashiisa uu xagaagaan dhaliyay ka dhigeysaa 14 gool, wuxuuna sidaa ku jabiyay record-kii gool dhalinta ee uu dhigay Laszlo Kubala, isagoo sidaa ku noqday ciyaaryahanka 2aad ee ugu goolasha badan Barcelona markii uu dhaliyay 194 gool.
Barcelona waxey sidaa ku diiwaangashatay guushii 1aad ee Champions League tan iyo markii ay koobkaan ka qaaday Manchester United bishii May ee sanadkaan.
Xiddiga khadka dhexe ee Aleksandr Volodko ayaa gool uu ka dhaliyay kooxdiisa BATE wuxuu hogaanka ugu dhiibay Barcelona , Pedro Rodriguez ayaa kii 2aad madaxa ugu dhaliyay Barca.
Messi , waxaa u yaala haatan inuu jabiyo hal record oo ah kan uu heysto Cesar Rodriguez, kaasoo meel la fadhiya 235 gool, wuxuuna dhigay record kaasi intii u dhaxeysay 1942 – 1955.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



