Napoli oo guul taariikhi ah kala hoyaaday Champions League

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, September 28th, 2011
Readers:403

NAPLES, Italy (CIYAARO)—Napoli oo loo yaqaan “Three Tenors” ayaa xalay wacdaro ka dhigtay tartanka Champions League markii ay  2-0 kaga farxalatay Villarreal , guushaasi waxey u tahay tii ugu horeysay oo ay gurigeeda ku hesho tartanka Yurub laga soo bilaabo markii uu kooxdaasi u ciyaari jiray Diego Maradona.

Marek Hamsik ayaa hogaanka u dhiibay  Napoli daqiiqadii  14d, kii 2aad waxaa ku daray  Edinson Cavani kaasoo ahaa gool rigoore ah 3 daqiiqo ayuuna ka danbeeyay goolkii 1aad.

Kooxda  “Three Tenors,” guusheeda maalmihii ugu danbeeyay waxaa laf dhabar u ahaa Hamsik, Lavezzi and Cavani waxeyna sanadkii tagay Napoli u dhaliyeen  marka la isku daro 43 gool, iyadoo kooxdu horyaalkii tagay ee Serie A ay ka gashay kaalinta 3aad .

Napoli kulankii 1aad ee tartankaan waxey  1-1 la gashay  Manchester City , kaasoo u ahaa markii ugu horeysay ee ay xaadirto tartanka  Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay,

Napoli hada waxey leedahay 4 dhibcood , iyadoo ku jirta group aad u adag oo ah Group A,  Villarreal wali wax dhibci ah ma helin markii ay kulankii 1aad qasaaro kala hoyatay  Bayern Munich.

Bayern ayaa group-kaan waxey ku hogaamineysa 6 dhibcood markii ay  2-0 kaga badisay City  ciyaartii kale ee group-kaan, waxeyna natiijadaasi kooxda reer England siineysaa  hal dhibic oo kaliyaha.

Napoli waxey horey hal mar ah u ciyaartay koobkii la oran jiray  European Cup , iyadoo kooxda uu xilligaa u ciyaaray rug cadaagii weynaa ee Maradona wuxuuna u qaaday 2 horyaal oo Serie A ah kuwaasoo uu kala qaaday  1987 iyo 1990.

Napoli kulanka soo socda waxey la ciyaari doontaa Bayern Oct. 18 halka  Villarreal ay martigalin doonto  City.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>