Real oo ku tumatay Ajax

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, September 28th, 2011
Readers:334

MADRID (CIYAARO)—Cristiano Ronaldo iyo Kaka ayaa Real Madrid u horseeday guusha 3-0 ah ee ay ka heshay Ajax kulankii xalay ee  Champions League , natiijadaasina waxey  kooxda reer Spanish u sahashay iney ku fariisato hogaanka Group D markii ay aruursatay 6 dhibcood , 2dii kulan oo ay ciyaartay.

Ajax  15kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay waxey la soo baxday wacdaro la yaab leh hayeeshee waxaa xawaaraheedii aamusiyay Cristiano Ronaldo oo daqiiqadii 25aad gool ku aamusiyay , ciyaartaasoo ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.

Kaka – goolkaasi wuxuu u ahaa kiisii ugu horeeyay iyadoo uu tartankaan uu ciyaaray xalay markii ugu horeysay laga soo bilaabo 2009 – goolka 3d waxaa Madrid u dhaliyay weeraryahanka reer French Karim Benzema.

Madrid kooxda horyaalka Dutch heysata waxey ka dhaliyeen 2dii sano ee la soo dhaafay  tiro goolal ah oo gaareysay 9-0.

Madrid 2 kulan oo ay ciyaartay waxey leedahay 6 dhibcood,  Ajax ilaa iyo hada waxey heshay hal dhibic. Lyon 4 dhibcood ayeey aruursatay markii ay  2-0 kaga badisay Dinamo Zagreb, taasoo group-kaan ugu hooseysa isla markaana aan wax dhibic ah laheyn.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>