Stamford Bridge oo shaki ka muujisay Modric

by Suni Said Salah | Posted on Friday, September 9th, 2011
Readers:879

LONDON, (CIYAARO) – Macalinka Chelsea Andre Villas-Boas ayaa shaki galiyay rabitaanka iney mar kale isku dayi doonaan iney soo iibsadaan xiddiga khadka dhexe ee Tottenham Hotspur iyo xulka Croatian Luka Modric marka uu dib u furmo xuuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha  January ee sanadka soo socda.

Chelsea waxey 3 mar isku dayday iney soo gadato Modric si ay boorsooyinka ugu keento  Stamford Bridge intii uusan xirmin suuqa lagu kala gadato ciyaartoyda sanadkaan, iyadoo ku yaboohday aduun dhan  40.0 million pounds oo u dhiganta ($63.77 million) , maalintii ugu danbeysay waxey ku guuldareystay iney gudoomiyaha Spurs Daniel Levy ka dhaadhiciso iibinta kubadd sameeyaha xirfada badan.

Mar la weydiiyay in Chelsea ay dib iskugu dayi doonto sanadka cusub Modric, wuxuu Villas Boas u sheegay warfidiyeenada isagoo joogay garoonka ay tababarka ku qaataan ee Cobham habeen hore oo khamiis aheyd: “Maya, u maleyn maayo . hada suuqu waa xiran yahay mana doonayo in aan malawaalo waxa ka dhici doonta marka la gaaro January.”

 

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>