Teves oo diiday inuu badal ku galo ciyaartii City iyo Bayern

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, September 28th, 2011
Readers:516

Tababaraha kooxda Manchester City Robert Mancini ayaa jeediyay hadal ka yaabiyay dhamaan maamulka iyo
taageerayaasha kooxda City ka dib markii uu sheegay in ciyaaryahan Carlos Teves uu diiday inuu badal ahaan ku galo garoonka ciyaarti xalay kooxdiisa guuldaro 2-0 ah kala kulantay kooxda Bayern Munich.

Mancini oo hadlayay ka dhamaadkii ciyaarta ayaa sheegay in sababtii uu Teves ugu Qayb galin waayay ciyaarta inuu ciyaaryahanku lahaa waxuuna yiri. ”..waxaan ku wargaliyay inuu isku diyaariyo ciyaarto si aan badal ahaan ugu isticmaalno qaybta labaad,balse isaga(Teves) wuu ka dhago adeegay amarkeyga ..”sidaas Mancini ayaa sheegay.

Mancini ayaa intaas ku daray inay go’aan dag dag ah ay saacadaha soo socda ka qaadan doonaan ciyaaryahan Teves.

Ma ahan Teves oo qura ciyaartoydii xalay ka careysiisay Mancini ee sidoo kale waxaa jira in ciyaaryahan Edin Dzeko uu jawaab ka careysiisay Macalin Mancini bixiyay markii la badalay bilowgii qaybtii dambe ciyaarta. “Dzeko ficilkii uu sameeyay ma ahan mid la aqbali karo,waan la fariisan doona isaga waxaana weydiin doonaa Sababtii uu ficilkaas usameeyay.

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>