Abaalmarino la gudoonsiiyay kooxda Soomaalida Australia ee Odda SC
Naadiga kubadda cagta ee Odda Sc oo ku guuleysatey horyaalka heerka 2-aad ee west Austrellia ayaa la gudoonsiiyey abaalmarino isugu jirta koob, bilado, qalab sport iyo hadiyado kale, markii ay wacdaro ka dhigeen horyaalka 2011 ee dhowaan soo dhamaaday.
Xafladii gebo gabada ee horyaalka oo ay kasoo qeybgaleen madaxda xiriirka west austrelia,gudoomiyaal,
Madaxdii kala duwaneyd ee halkaasi ka hadashey waxay si weyn u amaaneen naadiga soomaalidu leeyihiin ee Odda sc dadaalka iyo xirfadda u leeyihiin kubadda taasi oo keentay iney hantaan horyaalka oo aad u adkaa.
Waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyey koobka kaalinta 1aad, hadiyadda dhanka goolasha, ciyaar wanaaga iyo best coach oo ay isku darsadeen kooxda somalida.
Tababare Abdi Ahmed C/xaakh ayaa loo aqoonsaday best coach, ciyaaryahan Nuuradin Ali ayaa qaatey best goal scorer isagoo dhaliyey 24 goals, halka Abdi Rauf Abdullaahi oo Odda Sc ka tirsan loo aqoonsadey best player.
Gudoomiyaasha Odda Sc ee sida weyn ugu dadaaley iney kaalintan gaaraan waxay kala yihiin Godane & Ahmed Nur halka xiddigaha koobka qaaday ee sida weyn u muuqdayna kala yihiin. Goalhaye Said Dhere, Nuradiin, Abdi Rauuf,Osmaan, Diini,Khadar yare,Sharma’arke, Meeydimo, Asad,Maxed axmed,Muqtaar iyo Jamaal.
Naadiga Odda Sc ayaa ah koox jaaliyadda Somaliyeed ee west austrelia ku nool ay leeyihiin ayaa sanadka danbe ka qeybgeli doonta horyaalka heerka koowaad taasi oo noqoneysa mid lagu faano iyo guul markii ugu horeysay taariikhda kubadda cagta somalia.
C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com



![securedownload[10] securedownload[10]](http://ciyaaro.com/portal/wp-content/uploads/2012/05/securedownload10-55x55.jpg)