AC Milan oo mushaar badan siineysa Allegri

by Suni Said Salah | Posted on Monday, October 31st, 2011
Readers:540

MILAN (CIYAARO)—Kooxda horyaalka talyaaniga difaacaneysa ee  AC Milan ayaa la soo wariyay iney mushaar badan siin doonto macalinkeeda Massimiliano Allegri, horey wuxuu u qaadanayay 500,000 hayeeshee  waxaa lagu wadaa inuu qaadan doono ($700,000) bishii, balse  mushaarkaasi wuxuuu  bilaaban doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa soo warisay in gudoomiye ku xigeenka Milan  Adriano Galliani uu shir albaabada u xiran yahay uu la qaadan doono Allegri kaasoo sare loogu qaadi doono mushaarka macalinkaasi , waxaana laga dhigi doona ?2 million ($2.8 million) sanadkii.

Macalinkaan wuxuu  Milan u qaaday sanadkiisii ugu horeeyay horyaalka  Serie A, hayeeshee heshiiska uu hada kula joogo kooxda wuxuu ku eg yahay  dhamaadka sanadkaan.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>