Bayern & Napoli oo isku ag dhacay, City oo guul taariikhi ah heshay

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, October 19th, 2011
Readers:299

NAPLES, Italy (CIYAARO)—Bayern Munich ayaa wali hogaanka u heysa Group A tartanka Champions League markii ay 1-1 bareejo ah la gashay Napoli caawa oo talaada ah, walow kooxda 4ta mar koobkaan heysata guushii ay heli laheyd uu  ka qasaariyay Mario Gomez oo laga qabtay gool rigoore ahaa loo dhigay.

Toni Kroos ayaa hogaanka u dhiibay Bayern 2 daqiiqo markii ay ciyaarto socotay. hayeeshee Napoli ayaa iska soo guday goolkaasi daqiiqadii 39d  markii difaaca Bayern Holger Badstuber uu goolkaasi iska dhaliyay.

Sidaasi oo ay tahay Bayern waxey group-keeda ku hogaamineysaa 7 dhibcood, halka  Napoli is oo ku soo xigta ay leedahay 5 dhibcood—2daasi kooxood wali lagama badin intii uu tartankaani socday.

Manchester City oo isla group-kaasi ku jirta waxey ku jirtaa booska 3aad iyadoo wadata 4 dhibcood markii ay 2-1 kaga badisay kooxda group-kaan ugu hooseysa ee  Villarreal.

Sergio Aguero oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa waqtigii dhimashada goolka guusha u dhaliyay  Manchester City, waxeyna guushaan ay u tahay tii ugu horeysay  oo ay taariikhdooda ka helaan  Champions League.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>