Bayern oo ku tumatay Hertha
by Suni Said Salah | Posted on Saturday, October 15th, 2011
Readers:403
BERLIN (CIYAARO)—Franck Ribery ayaa dhaliyay gool kadibna sababay dhalashada 3da gool oo kale, taasoo keentay in Bayern Munich ay 4-0 u xanbaariso Hertha Berlin, natiijadaasi waxey u sahashay iney hogaanka Bundesliga sii siyaadsato.
Mario Gomez ayaa daqiiqadii 5aad ciyaarta ka dhigay 2-0, Bastian Schweinsteiger ayaa 3-0 ka dhigay daqiiqadii 13d. Gool rigoore ahaa oo lagu galay Ribery dqiiqadii 68d, waxaa dhaliyay Gomez.
kooxda kaalinta 2aad ee Borussia Moenchengladbach waxey 5 dhibcood ka hooseysaa Munich kadib markii ay 2-2 la gashay Bayer Leverkusen.
kooxda horyaalka ku cusub ee Augsburg ayaa 1-0 kaga badisay Mainz waxeyna guushaasi u tahat tii ugu horeysay oo ay taariikhdeeda ka hesho Bundesliga.
Sunni Said Salah
Related posts:
Ciyaarihii Somali Week Minnesota oo la Furay
Arsenal oo la wareegtay hogaanka
Arsenal oo suuqa soo dhigtay Samir Nasri



