El Clásico oo la beeniyay in Xilli Duhur la ciyaari doono
Afhayeen ku hadlay magaca ururka ay ku mideysanyahiin kooxaha heerka kowaad ee dalka spain ee La Liga ayaa si kulul u beeniyay warar dhawaan la isla dhex marayay kuwaasi oo sheegayay in kulanka El Clásico ee is araga hore oo ay ku balansanyahiin kooxaha Real Madrid iyo Barcelona bisha December 11-keeda in la ciyaari doono xilli duhurnimo ah.
“..Ma jirto cid aan wali kala hadalnay arinta ku saabsan waqtiga la ciyaari doono kulanka El Clásico ee Barcelona iyo Real Mdrid u dhaxeeya,waana hubaal ma jiri doonto wax wada hadal ah oo ku saabsanaa doono mowduucaas..” carlos del campo oo ah xoghayaha guud ee ururka kooxahaa horyaalka Spain ayaa sidasi u sheegay waraahinta.
Hadalka Carlos del campo ayaa imaanaya xilli dhawaanahaan si weyn loo hadal hayay xilliga saxda ee la ciyaari doono kulanka lugta hore ee Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ku balansayhiin,iyadoona waqtiga haatan ku asteeysan in la ciyaaro kulankaasi uu ku waqti yahay marka uu furmayo koobka Naadiyada Adduunka oo sanadkaani dalka Jaban ka
furmaya,kaasi oo Barcelona ka qayb galeyso.
Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”



