Genoa oo dhuunta u gashay Juventus

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 23rd, 2011
Readers:329

ROME (CIYAARO)—Kooxda horyaalka Serie A hogaamineysa ee  Juventus ayaa loo diiday iney ku tamashleyso hogaanka Serie A kadib markii  Andrea Carraciolo uu u dhaliyay Genoa goolka ay bareejada ku heleen ee 2-2 ay kula galeen kooxda reer Turin ee  Juventus.

Alessandro Matri ayaa 2da gool u dhaliyay Juventus hayeeshee  Caracciolo ayaa goolka bareejada ah ka dhaliyay Juve daqiiqadii 85d —. goolka kale waxey ka heleen Marco Rossi daqiiqadii  31d.

Juve waxey leedahay 13 dhibcood, waxeyna hal dhibic ka sareyaa Udinese, taasoo marti galin doonta kooxda horyaalka ku cusub ee Novara maalinta beri ah.

3 badis ah iyo 4 bareejo ah waxey  Juventus ka dhigeysaa koox aan wali laga badin sidii uu macalin ugu noqday macalin  Antonio Conte.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>