Inter oo guuldaradii 5aad kala hoyaaday Juventus
MILAN (CIYAARO)—Claudio Marchisio ayaa kooxdiisa Juventus u diray hogaanka Serie A markii ay 2-1 kaga badisay kooxda liicliiceysa ee Inter Milan markii ay isku arkeen kulankii ugu adkaa ee horyaalka caawa oo sabti ah (Derby d’Italia).
Guushaan waxey hogaanka horyaalka ku fariisineysaa Juventus oo 2 dhibcood ka sare martay AC Milan, taasoo 3-2 kaga badisay Roma isla maantay. Napoli 2-1 qasaaro ah waxey ka qaadatay Catania.
Mirko Vucinic ayaa hogaanka u dhiibay Juventus , waxaase goolkaasi Inter ka soo guday Maicon. hayeeshee goolka guusha Juve waxaa u xaqiijiyay Marchisio kaasoo haa goolkiisii 4aad ee xilli ciyaareedkaan.
Inter waxey horyaalka kaga jirtaa booska 16d markii loo xanbaariyay guuldaradii 5d 9 kulan oo ay ciyaartay.
MILAN (CIYAARO)—Zlatan Ibrahimovic ayaa 2 ka mid ah u dhaliyay 3-2 ay AC Milan kaga badisay Roma caawa oo sabti ah, natiijadaasoo kooxda Serie A difaacaneysa 2 dhibcood ka hoos marineysa Juventus .

AC Milan's Zlatan Ibrahimovic celebrates after scoring against AS Roma during their Italian Serie A football match at the Olympic Stadium in Rome on October 29, 2011 . AFP PHOTO / )
Napoli, oo kooxaha horyaalka u tartamaya ka mid ah ayaa 2-1 qasaaro ah waxey kala kulantay Catania.
Alessandro Nesta ayaa goolka 2d u dhaliyay Milan, wax yar ka hore intii uusan goolka bareejada ah Roma u dhalin goolka bareejada ah Nicolas Burdisso.
Bojan Krkic ayaa rajada ku soo celiyay Roma markii uu goolkii 2aad u dhaliyay xilli ay 3 daqiiqo ciyaartu ka harsantahay.
Napoli, oo aan wax guul ah ka gaarin garoonka Catania horyaalka Serie A, ayaa waxaa murugadeeda sii kordhiyay markii jaalihii 2aad laga siiyay Mario Santana isla markaana ciyaarta laga saaray.
Milan, oo hal kulan oo kaliyaha badisay 5tii kulan ee horyaalka ugu horeysay, ayaa daqiiqadii 17d waxaa goolka 1d u dhaliyay Ibrahimovic .
Milan, 2 kulan ayeey oo kaliyaha ayeey ku badisay garoonka Stadio Olimpico 14-kii sano ee la soo dhaafo.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com




Asc forza juve