Lampard oo ku duduriyay Bolton
BOLTON, England (CIYAARO)—Frank Lampard ayaa ka soo kabtay dhaliilihii waayahaan dul saarnaa kadib markii uu wax loo yaqaan hat trick u dhaliyay Chelsea, taasoo keentay in ay Bolton ku maasheeyaan 5-1 kulankii galabtay ee horyaalka Premier League.
33-sano jirka khadka dhexe xulka England kaga ciyaara wuxuuu bilihii la soo dhaafay ahaa mid fadhiya kursiga keydka marka loo eego xulkiisa iyo kooxdiisa.
Laakiin ciyaartii galabtay ka dhacday garoonka Reebook Stadium, wuxuu ka dhigay wacdaro markii uu tirada goolashiisa horyaalka sanadkaan ee Chelsea uu ka dhigay 4 gool, halka Daniel Sturridge uu ahaa dhaliyaha 2da gool ee kale.
Guuldaradaasi waxey Bolton dhigeysaa halka ugu hooseysa horyaalka .halka Chelsea ay horyaalka kaga jirto kaalinta 3aad xagga kala horeynta , 3 dhibcood waxey ka hooseysaa United and City.
