Messi oo tirada goolashii ka dhigay 13 gool

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 30th, 2011
Readers:467

MADRID (CIYAARO)—Lionel Messi ayaa soo afjaray gool la’aan maalmihii ugu danbeeyay heysatay markii uu caawa 3 gool u dhaliyay Barcelona taasoo 5-0 ku garaacday Mallorca, halka Real Madrid ay hogaanka horyaalka ku fariisatay markii ay  1-0 kaga badisay Real Sociedad.

Xiddiga aduunka , goolashaasi waxey tirada goolashiisa ka dhigayaan 13 gool, isagoo dib boorka ugu jafay doorkiisii gool dhalinta markii uu kulamadii ugu danbeyay uu wax goolal ah dhalin waayay.

Goolasha kale waxaa Barca u dhaliyay Isaac Cuenca iyo Dani Alves , waxeyna natiijadaasi kooxda horyaalka difaacaneysa siineysaa booska 2aad oo ay ku fadhido  iyadoo 24 dhibcood leh 10 kulan oo ay ciyaartay, hal dhibic waxey ka hooseysaa Real oo hogaanka jiifta.

Gonzalo Higuain ayaa  Jose Mourinho siiyay natiijada 1-0 ah ee ay Real Madrid kaga badisay Real Sociedad, daqiiqadii 9aad ee ciyaarta ayuuna goolkaasi dhaliyay hayeeshee kooxdaan 28 gool ayeey dhalisay 7dii kulan oo ay horey u ciyaartay.

Levante, oo haatan booska 3aad loo tuuray wey hanan kartaa booska 1aad ee horyaalka, waxeyna kaga xirantahay guul ay beri ka diiwaan gashato Osasuna, waxey haatan leedahy 23 dhibcood.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>