Van Persie oo 6 daqiiqo gudahood ku quusiyay Chelsea

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, October 29th, 2011
Readers:808

LONDON, (CIYAARO) -Robin van Persie ayaa madaafiic xoog xoogan 6 daqiiqo gudahood ku garaacay Chelsea kadib markii uu 3 gool ka dhaliyay  Chelsea, natiijadaasoo keentay in Arsenal ay 5-3 kaga badiso Chelsea, waxeyna aheyd ciyaartii ugu cusleyd ee ka dhacda maanta horyaalka  Premier League.

Guusha la yaabka ah ee uu helay Arsene Wenger waxey u tahay guushii 500d  laga soo bilaabo tan iyo markii uu macalin u noqday Arsenal 1996 , sidoo kale waxey aheyd guushii ugu horeysay ee ay Arsenal ay banaanka ka soo hesho horyaalka xili ciyaareedkaan.

Chelsea guuldaradaan waxey u tahay guuldaradii 2d ee isku xigta oo ku dhacda kooxda reer London marka laga yimaado tii ka soo gaartay  todobaadkii hore kooxda Queens Park Rangers , sidoo kale Chelsea waxey u tahay markii ugu horeysay ee 5 gool gurigeeda looga dhaliyo horyaalka laga soo bilaabo markii Liverpool ay  5-2 guuldaro ah u dhiibtay bishii December 1989.

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta waxaa u dhiibay Frank Lampard daqiiqadii 14d,  Van Persie ayaa soo bareejeeyay daqiiqadii 36d ,  Difaaca Chelsea  John Terry  ayaa 2-1 ciyaarta ka dhigay, sidaa ayaana lagu kala nastay .

Markii la isku soo laabtay ayaa Andre Santos wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-2 , hayeeshee Arsenal ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay  markii Theo Walcott uu ciyaarta ka dhigay  3-2 daqiiqadii  55d. Juan Mata ayaa Chelsea u dhaliyay goolkii bareejada ahaa kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-3 .

Xiddigii ciyaartii galabtay oo ahaa weeraryahanka reer Dutch Van Persie ayaa gool caaqibo badan ka dhaliyay chelsea markii uu si xirfadeysan ugu gooyay goolhayaha Chelsea wuxuuna ciyaarta ka dhigay  4-3, isla asaga ayaa ku soo qatimaya goolkii 5aad ee ciyaarta markii gool kale oo caaqibo badan uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.

Arsenal's Dutch striker Robin van Persie goes around Chelsea's Czech goalkeeper Petr Cech (L) to score Arsenal's fourth goal during the English Premier League football match between Chelsea and Arsenal at Stamford Bridge in London, on October 29, 2011. (Photo credit should read ADRIAN DENNIS/AFP/Getty Images)

Waa guushii 1aad oo ay ka helaan Stamford Bridge mudo 3 sano ah, waxeyna siineysaa Arsenal 16 dhibcood, 3 dhibcood waxey ka hooseysaa Chelsea oo kaalinta 3aad ku jirta.

Arsenal guushaan waxey u tahay tii 8aad oo ka hesho 9kii kulan ee ugu danbeeyay dhamaan tartamadii ay ciyaartay, waxeyna macalin  Arsene Wenger natiijadaan dhigeysaa booska 6aad ee horyaalka.

Ciyaart kale oo dhexmartay Manchester United iyo Evereton ayaa waxey ku soo idlaatay 1-0 , goolka waxaa United u dhaliyay Javier Hernandez , waxeyna guushaan u tahay United tii ugu horeysay oo ay ka hesho garoonka Goodison Parka laga soo bilaabo  September 2007.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>