Arsenal oo kaligeed ah & APOEL oo taariikhdii ugu weyneyd ka dhigtay Champs League
LONDON (CIYAARO)—Arsenal ayaa noqotay ilaa iyo hada kooxda kaliyaha ee horyaalka England ka socota ee u soo baxday wareega 2aad ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkaan.
Guushaasina waxey gaartay maalin kadib markii Manchester United iyo Manchester City ay qasaariyeen fursado ay ku soo bixi lahaayeen, waxaa intaa ka sii daran Chelsea oo ay rajadeeda mugdi sii gashay xalay markii daqiiqadii ugu danbeysay laga dhaliyay goolkii badiska ahaa kaasoo keenay in 2-1 qasaaro ah ay kala hoyaado Bayer Leverkusen , waxeyna qarka u saarantahay in markii ugu horeysay ay wareega 2aad ee tartankaan u soo bixi weyso tan iyo markii uu gatay kooxdaasi maalqabeenka reer Russia Roman Abramovich 2003.

Chelsea`s French midfielder Florent Malouda (2L) and Chelsea`s defender John Terry (2L) leave the pitch after after the Champions League Group E football match Bayer 04 Leverkusen vs Chelsea FC in Leverkusen, Germany on November 23, 2011. Leverkusen won 2-1. AFP PHOTO / PATRIK STOLLARZ
Leverkusen guushaasi waxey u sahashay iney iska soo xaadiriso wajiga 2aad, halka Arsenal, oo sidaasi oo kale soo baxday ay 2-1 kaga badisay Borussia Dortmund, waxaana 2da gool iska lahaa Robin van Persie.
Van Persie, 2diisa gool ee uu xalay u dhaliyay Arsenal waxey tirada guud ee goolashiisa xilli ciyaareedkaan ka dhigeysaa 21 gool.
Taariikhda ugu weyn sanadkaan tartanka waxaa ka dhigtay APOEL , oo markii ugu horeysay taariikhdeeda ebed u soo baxaday tartankaan, intaa waxaa u dheer in xitaa wadankeeda ay tahay kooxdii ugu horeysay ee ebed heerkaan oo kale soo gaarta Champions League.

Hélio Pinto (2nd L) and Nuno Morais (3rd L) of APOEL FC celebrate after UEFA Champions League, Group G football match between FC Zenit St Petersburg and APOEL FC in Saint-Petersburg on November 23, 2011. APOEL became the first Cypriot club to qualify for the knockout stages of the Champions League today when they drew 0-0 with Zenit St Petersburg in Russia in their Group G clash. AFP PHOTO / KIRILL KUDRYAVTSEV
APOEL , waxey bareejo 0-0 ah la gashay Zenit St. Petersburg waxeyna sidaa ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee Cyprus ah oo soo dhaafta wareega group stage.
Kooxda reer Cyprus miisaaniyadeeda sanadkii ay hesho waxaa lagu sheegay ?10 million oo u dhiganta ($13.5 million), waana hal meel oo ka mid ah 7 marka loo dhigo lacagtii ay Barcelona ku soo iibsatay weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic sanadkii 2009.
AC Milan, oo 2 mar iska soo bareejeysay Barca ayaa markii danbe waxaa quusiyay kubadd sameeyaha reer Spain Xavi Hernandez oo goolkii guusha ka dhaliyay daqiiqadii 63d, wuxuuna sidaa ugu suuragaliyay kooxda koobka difaacaneysa ee Barcelona iney 3-2 ku kaga badiso AC Milan, isla markaana ay hogaanka u qabto Group-ka H, walow ay 2da kooxoodba mar hore u soo baxeen wareega 2aad.

Barcelona midfielder Xavi Hernandez, left, celebrates with his teammate Lionel Messi, of Argentina, after scoring during a Champions League, group H, soccer match between AC Milan and Barcelona at the San Siro stadium in Milan, Italy, Wednesday, Nov. 23, 2011. Barcelona won 3-2. (AP Photo/Antonio Calanni)
Valencia ayaa heshay guushii ugu weyneyd ee ay ebed ka hesho tartankaan taariikhdeeda matkii ay 7-0 kaga badisay Genk, Porto ayaa soo nooleysay rajadeeda markii ay 2-0 kaga badisay Shakhtar Donetsk, halka Olympiakos ay 1-0 ku dishay Marseille.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



