Barca oo guuldaradii 1aad ka soo kabatay

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, November 30th, 2011
Readers:386

BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Alexis Sanchez ayaa 2 gool oo uu u dhaliyay Barcelona waxey u si fudud ugu suuragalisay iney ka soo kabsato guuldaradii 1aad ee xilli ciyaareedkaan kadib markii ay 4-0 ku maasheysay kooxda  Rayo Vallecano kulan ka tirsanaa Spanish league.

Rayo ilaa iyo daqiiqadii 29d waxey Barcelona u diiday iney wax gool ah ka dhaliso iyadoo ciyaartu ay ka dhaceysay Camp Nou, hayeeshee weeraryahanka reer Chile ayaa goolkiisii 1aad ee xilli ciyaareedkaan ciyaarta ku daahfuray daqiiqadii 29aad. Sanchez ayaa 2-0 ka dhigay daqiiqadii 41d halka David Villa uu  3-0 ka dhigay 2 daqiiqo kadib.

5 daqiiqo kadib markii ay bilaabatay qeybtii labaad ayaa Lionel Messi goolkiisii 26aad ee xilli ciyaareedkaan uu ka dhaliyay Rayo daqiiqadii 50d, sidoo kale goolkaasi wuxuu ahaa kiisii 16aad ee horyaalka Spain, waxeyna sidaa gool dhalinta iskugu heystaan Cristiano Ronaldo oo ay wada leeyihiin min 16 gool.

Barca, isla todobaadkaan waxaa 1-0 qasaaro ah ay ka qaadatay Getafe, guuldaradaasi oo soo afjartay  27-kulan oo  aan laga badin Barca tan iyo bishii April, ee sanadkaan , waxey haatan 3 dhibcood ka hooseysaa  Real Madrid.

Ciyaartaan waxey aheyd mid la soo hormariyay , waxey aheyd in la ciyaaro Dec. 17-18 laakiin  Barcelona xilligaasi waxey joogi doontaa dalka  Japan oo ay kaga qeybgaleyso koobka  kooxaha aduunka ee Club World Cup.

Madrid, waxey hogaanka ku heysaa 34 dhibcood, Barcelona oo ku soo xigta waxey leedahay  31 dhibcood halka Valencia oo booska 3d ku jirta ay leedahay  27 dhibcood.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>