Bareejada City oo hogaanka Premiership aan waxba ka badalin

by Suni Said Salah | Posted on Monday, November 28th, 2011
Readers:406

Manchester City ayaa wali waxey 5 dhibcood oo nadiif ah ku heystaa hogaanka horyaalka English Premier League markii ay  1-1 bareejo ah la gashay kooxda Liverpool.

Captain-ka City  Vincent Kompany ayaa daqiiqadii  31d hogaanka u dhiibay kooxdiisa hayeeshee Liverpool ayaa 2 daqiiqo kadib iska soo guday goolkaasi markii  Joleon Lescott uu goolkaasi ka dhaliyay kooxdiisa City kaasoo ahaa laad uu soo riday Charlie Adam.

11 kulan oo ay badisay iyo 2 kulan oo bareejo ah waxey  City u sahleysaa iney 5 dhibcood ka sara marto kooxda ay isku magaalada yihiin ee horyaalka difaacaneya ee United .

United, oo sanadkii tagay jabisay record ay 21-ka sano heysatay Liverpool oo ahaa kooxda ugu horyaalka badan England ayaa 1-1  bareejo ah la gashay Newcastle kulankeedii horyaalka.

City , waxey ciyaarta xalay ku dhameysatay 10 ciyaartoy markii ciyaarta laga saaray weeraryahankeeda  Mario Balotelli oo labo jaalle qaatay.

Liverpool , waxey horyaalka kaga jirtaa booska 6aad, waxeyna gool tirsi kaga sareysaa Arsenal.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>