City, Liverpool oo jartay ticket-kooda Semifinalaha koobka League Cup

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, November 30th, 2011
Readers:412

LONDON (CIYAARO)—Sergio Aguero oo kursiga keydka ka soo kacay ayaa Manchester City u diray semifinalka tartanka League Cup markii uu dhaliyay goolka kaliyaha ee ay ku badiyeen oo ahaa 1-0 ay kaga taqaluseen Arsenal, ciyaartii ka dhacday xalay garoonka Emirates Stadium.

Weeraryahanka reer Argentina goolkaasi wuxuu u ahaa kiisii 12d ee xilli ciyaareedkaan , wuxuuna shabaqa ku hubsaday xilli ay 7 daqiiqo oo kaliyaha ciyaarta ay ka harsantahay.

Arsenal waxey dooneysay iney markii 5aad u soo baxdo semifinalka tartankaan mudo 7 sano gudahood ah hayeeshee waxaa rajadaasi burburisay City —oo ay u ciyaarayeen 2 ka mid ah ciyaartoydii hore ee Arsenal oo kala ah  Samir Nasri, oo 25 million kaga  soo tagay, iyo  Kolo Toure.

Mar walba oo uu  Nasri kubadda taabto waxaa ku qeylinayay taageerayaasha Arsenal, waxeyna ku qeylinayeen “lacag dartee ayaad u soo baxday.”

Liverpool ayaa sidoo kale heshay booskeeda semifinalka League Cup markii ay qeybtii danbe 2 gool ka kala heshay  Maxi Rodriguez iyo Martin Kelly , taasoo  2-0 kaga badisay Chelsea, ciyaartii ka dhacday garoonak Stamford Bridge.

Guushaan waxey macalin Dalglish u sahleysaa in uu koobkii ugu horeeyay soo xero galiyo maadaama uu sanadkiisii labaad  uu la joogo kooxda Anfield.

Dhibka ugu weyb wuxuu dusha u saaran yahay macalinka Chelsea , Andre Villas-Boas , waxeyna u muuqataa in guuldaradaani ay ka taqalusi rabto mustaqbalkiisa danbe ee kooxda.

Rodriguez goolkii uu dhaliyay  daqiiqadii 58d—wuxuu daba socdaa goolkii uu 9 maalmood ka hore ka dhaliyay Chelsea kaasoo tirada goolashii ka dhigaya 10 gool—.

Andy Carroll ayaa daqiiqadii 22d  Liverpool ka lumiyay fursad ay hogaanka ku qaban laheyd markii rigoore loo dhigay uu ku garaacay goolhayaha Chelsea Ross Turnbull.

Chelsea, guuldaradaan waxey u tahay tii 3aad mudo 10 maalmood ah—oo waliba ah 3 tartan oo kala duwan—waxeyna u badantahay in ay salfan doonto Villas-Boas, kaasoo xalay la hoyaaday halku dhigyo ay ku dhawaaqayeen taageerayaasha Liverpool oo ahaa “beri subax waa lagu raacdeynayaa”  qeybtii danbe intii lagu guda jiray.

Sunni Said Salah

 

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>