Gudoomiye xigeenka xiriirka k/cagta Soomaaliya oo weeraray Xoghayihiis

by Suni Said Salah | Posted on Tuesday, November 29th, 2011
Readers:416

Guddoomiye kuxigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta C/rashiid Xasan Xirsi “Bakin” ayaa soo dhaweeyay Talaabadii uu dhawaan qaaday Wasiirka Dhalinyarada & Isboortiga Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya Mudane Maxamed Muxiyadiin, taasi oo uu Wasiirka ku sheegay in loo baahan yahay is badal lagu sameeyo hogaanka Xiriirka.

Mr. Bakin oo asigoo ku sugan Dalka Canada Wareysi siiyay wehelmedia, ayaa sheegay in uu qabo fikirka ku aadan in Maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Isbadal lagu sameeyo Asigoona Hogaanka Xiriirka ku eedeeyay in ay shaqsiyaad qura isku koobeen.

“Waan soo dhaweenayaa Hadalka ka soo yeeray Wasiirka, waxaan ka cudur daaranayaa, hadalo qaar ka mid ah Mas,uuliyiinta xiriirka soo daabaceen, taasi oo ay ku sheegeen in wasiirka oo lacag iyo gaari weydiistay, wey dhacdaa mar waliba oo sharci la isugu yimaada in baro-bogaando la baahiyo” Ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka X/S/K/C.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed Kubada Cagta C/qani Saciid Carab ayuu ku eedeeyay in uu istecmaalo awood ka baxsan mida loogu tala galay, asigoona sheegay in uu ilaaway in uu yahay shaqsi lasoo magacaabay oo aanan aheyn shaqsi doorasho ku yimid.

“Walaalkee C/qani ma lihi meesha halaga saaro, balse waxa uu ku tagri falaya shaqada xiriirka oo waxa uu istecmaalayaa awood ka baxsan tii loogu tala galay, loomana baahna sidaa oo kale, waa in bahweynta isboortiga usoo jeestaan sidii 1-qol loogu bixin lahaa Isboortiga” Ayuu yiri C/rashiid.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ee uu Guddoomiye kuxigeenka ka yahay ayuu ku eedeeyay in aysan mar waliba ka dhabeen balan qaadyada ee la galaan maamulada kale ee dalka ka jira, asigoon carabka ku dhiftay in Xiriirka uu balan qaadyo badan kaga baxay maamulka Puntland oo lagu xasuusto marti gelintii Ciyaarihii gobolada soomaaliya.

C/rashiid Xasan Xirsi, waxa uu sheegay in Xilligaan la joogo xilligii la qaban lahaa Ciyaarihii Gobolada Dalka, isla markaana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ay arrinkaasi iska ilaaween, balse dhankiisa uu weli xasuusan yahay isla markaana ku dadaalayo sidii loo qaban lahaa Xiyaarihii gobolada Dalka.

“Anigoo kaashanaya bahweynta Isboortiga Diasparo, waxaan olole xoogan ugu jirnaa sidii aan sanadkaan u qaban laheyn Ciyaarihii Gobolada, ha ahaato in aan ku qabano Puntland ama Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho” Ayuu yiri.

Bakin waxa uu baaq u diray Dhamaan Qurba joogta Isboortiga, asigoona ka codsaday in la iska ilaabo khilaafyada jira, isla markaana hal meel loogu soo wada jeesto sidii isboortiga soomaaliya loo hor marin lahaa cid walibana ay gacan ka geysato.

“Ma ahan in aan wax waliba xiriirka u dhaafno, waa in aan ka fikirnaa mustaqbalka dalkeena iyo dadkeena, inta aan wax u qaban karno waa in aan wax u qabanaa, hadii aan nahay qurba joog waan awoodnaa in aan ciyaarihii gobolada Qabano, aynu is kaashano talaabada waan wadnaa aan wada dhameystirno yaanan cid kaliya loo deynin, waa sumcadeena, waa mustaqbalka dalkeena iyo caruurteena” ayuu si qiiro ku jirta u yiri Mr. Bakin.

Waxa uu ka dhawaajiyay in uu socdo olole balaaran oo sanadkaan suurta gelinaya sidii Diasparha Isboortiga ee u qaban lahaayeen Ciyaaraha Gobolada isla markaana uusan ciyaaraha qabsoomideeda u baaqan, taasi oo ka socota buu yiri Yurub & Ameerica.

Dhinaca kale waxa uu bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ka codsaday in hadalo uu kol hore ka siiyay saxaafada qaarkood oo si qaldan loo fasiray uu ka raali gelinaayo, asigoona cid waliba oo ka tirsan bahweynta Isboortiga ka codsaday, in aan si qaldan loo fasirin hadalada qaarkii, shaqsi ahaanna uusan qabin in uu dad takooro ama caadifadeeyo.

Waxa uu soo dhaweeyay Talaabooyinka hormar ee xilligaan ka soo muuqanaya Gobolada Dalka Qaarkood kuwaasi oo dadkii ku noolaa ee bahda isboortiga ahaa dib boorka ugu jafeen dhaq dhaqaaqooda Isboorti, asigoona ugu danbeyn Bahda Isboortiga ugu baaqay in gacan laga geysto hormarka isboortiga Soomaaliyeed.

Salah Hassan Omer “Salah Dheere”.
 s.dheere@hotmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>