Ibrahimovic oo goolkiisii 100 cadaadis ku galiyay Juventus

by Suni Said Salah | Posted on Monday, November 28th, 2011
Readers:377

MILAN (CIYAARO)—Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyay goolkiisii 100 ee horyaalka Serie A markii uu  AC Milan u dhaliyay 2 ka mid ah 4-0 ay ku maasheeyeen kooxda Chievo , guushaasoo  cadaadis ku keeneysa  kooxda hogaanka u heysa Serie A  ee  Juventus.

Dhamaan goolashaasi Milan waxey dhasheen  qeybtii hore ee ciyaartii ka dhacday garoonka San Siro. mid ka mid ah goolasha Ibrahimovic wuxuu ahaa rigoore, kuwo soo harana waxaa Milan u kala dhaliyay Thiago Silva iyo Alexandre Pato.

Natiijadaan Milan waxey hal dhibic ka hoos marineysaa Juventus, taasoo uu kulan u harsanyahay.

Inter Milan ayaa dhamaadkii ciyaarta waxaa goolkii guusha u dhaliyay  Luc Castaignos taasoo 1-0 kaga badisay kooxda 10-ka ciyaartoy ku ciyaareysay ee Siena, guushaan waxey Inter u tahay tii 2aad oo isku xigta oo ay horyaalka ka helaan iyadoo wax yar uun ka soo fogaaay halka ugu hooseysa ee horyaalka ee loo yaqaan relegation zone.

Adrian Mutu ayaa Cesena u dhaliyay  2-0 ay kaga badisay Genoa, halka  Cagliari ay  1-1 bareejo ah la gashay Bologna.

Sunni Said Salah

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>