Juve oo dagaal badan kadib bareejo ka heshay Napoli

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, November 30th, 2011
Readers:306

MILAN (CIYAARO)—Hogaamiyaha horyaalka Talyaaniga Juventus ayaa dagaal xoogan oo ay xalay la gashay Napoli kadib iska soo guday 2 gool oo lagala hormaray kadibana ay ku kala baxeen 3-3 bareejo ah , taasoo wali ka dhigan in aan 12 kulan oo horyaalka Serie A ah aan laga badin Juve.

Marwada waayeesha ah ee reer Turin, natiijadaasi waxey u suuragalineysa iney 2 dhibcood ka sii fogaato kooxda ku soo xigta ee AC Milan.

Napoli, natiijadaasi dharbaaxo ayeey ku tahay maxaa yeelay waxey mugdi galineysaa hardanka ay horyaalka ugu jirto, 9 dhibcood ayeey ka hoos mareysaa Juve iyadoo booska 6aad fadhida.

Goolasha Napoli waxaa u kala dhaliyay Marek Hamsik iyo Goran Pandev .  waxeyna isku heystay  iney guusha ciyaarta la hoyaadeen laakiin  Alessandro Matri, Marcelo Estigarribia iyo Simone Pepe ayaa Juve ka fujiyay sidaana ku tirtiray rajadii Napoli.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>