Mainz oo cuuryaamisay Bayern Munich
BERLIN (CIYAARO)—Bayern Munich ayaa lumisay fursad ay dib ugu hanan laheyd hogaanka sare ee horyaalka Bundesliga kadib markii ay qasaaro 3-2 ah oo lama filaan ah ay kala kulantay Mainz .
Andreas Ivanschitz, Marco Caligiuri iyo Niko Bungert a ayaa Mainz u kala dhaliyay goolasha, halka kuwa Bayern uu wada dhaliyay Daniel van Buyten.
Bayern, guularadaan waxey jiifisay booska 3aad ee horyaalka markii loo saariyay guuldaradii 2aad ee oo isku xigta, waxeyna hal dhibic ka hooseysaa kooxda horyaalka difaacaneysa ee Borussia Dortmund taasoo gool tirsi ku hogaamineysa Borussia Moenchengladbach.
Mainz, guushaan waxey u sahleysaa iney soo fariisato booska 13d, waxeyna kulankaan u muuqdeen kuwo firfircoon maadaama uu ahaa kulankii ugu horeeyay oo ay ciyaaraan tan iyo 4tii Nov. iyadoo kulankii todobaakii tagay ee ay la ciyaari lahaayeen Cologne la baajiyay.
Sunni Said Salah



