Rajo xuma hareysay 2d Manchester, Bayern, Inter & Benfica oo iska xaadiriyay w 16 ee Champions League
LONDON (CIYAARO)—Bayern Munich, Inter Milan iyo Benfica ayaa helay boosaskooda wareega 2aad ee tartanka Champions League markii ay xalay guul gaareen, halka rajada 2da Manchester ay tahay wali mid aan kala cadeyn.
Franck Ribery ayaa 2 ka mid ah u dhaliyay Bayern Munich 3-1 ay kaga badisay Villarreal, waxeyna sidaa ku heysaa hogaanka Group A iyadoo uu hal kulan u harsanyahay.
Inter, oo koobkaan qaaday 2010, ayaa xaqiijisay u soo bixitaankeeda wareega 16 ka ee tartankaan markii ay 1-1 la gashay kooxda reer Turkey ee Trabzonspor, isla group-kaasi oo ah B Lille ayaa 2-0 kaga badisay CSKA Moscow. kooxda reer talyaani iyada ayaa hogaanka Group B ku fadhida.

Inter Milan's Ricardo Alvarez celebrates his goal with teammates during their UEFA Champions League group B soccer match against Trabzonspor in Trabzon, Turkey, Tuesday, Nov. 22, 2011. (AP Photo)
Benfica ayaa ka mid noqotay 2da kooxood ee ugu sareeya Group C markii ay 2-2 la gashay kooxda 3da mar koobkaan qaaday ee Manchester United, taasoo haatan u baahan hal dhibic oo ay ka hesho Basel—oo 3-2 kaga badisay Otelul Galati—kulankeeda ugu danbeeya waxey u baahantahay iyana in ay markii 6aad oo isku xigta u soo baxdo wareega 16ka.

Manchester City's Italian coach Roberto Mancini leaves the field at the end of the Champions League, group A soccer match between Napoli and Manchester City, at the San Paolo stadium in Naples, Italy, Tuesday, Nov. 22, 2011. Napoli won 2-1. (AP Photo/Salvatore Laporta)
Manchester City, oo sanadkaan ku tamashleyneysa hogaanka horyaalka Premier League ayaa xaaladu ku xuntahay markii ay qasaaro 2-1 ah kala hoyaaday xalay Napoli, 2da gool Nopoli waxey kaga mahadcelineysaa wareeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani.

SSC Napoli's (L-R) Marek Hamsik, Edinson Cavani and Andrea Dossena celebrate after scoring during the Champions League group A football match SSC Napoli vs Manchester City on November 22, 2011 at the San Paolo stadium in Naples. AFP PHOTO / ROBERTO SALOMONE
Natiijadaasi waxey Napoli siineysaa iney hal dhibic ka sara marto City hogaanka Group A, City waxey u baahantahay in ay ka badiso kooxda quusatay ee tartanka laga ciribtiray ee Villarreal si ay u noqoto kooxda 2aad ee group-kaan ka soo baxda marka laga yimaado Bayern oo horey u soo baxday.

Real Madrid's Karim Benzema from France celebrate after scoring against Dinamo Zagreb during his group D Champions League soccer match at the Santiago Bernabeu stadium, in Madrid, Spain, Tuesday, Nov. 22, 2011. (AP Photo/Daniel Ochoa de Olza)
Real Madrid, oo ka mid aheyd 3dii kooxood ee xilliga hore u soo baxay wareega 16ka ayaa xalay ku tumatay Dinamo Zagreb oo ay u dhiibtay 6-2 , lagumana heysto hogaanka Group D, halka isla group-kaasi Ajax ay bareejo 0-0 ah la gashay Lyon.
Xaalada ugu kharaar waxey tartankaan ka heysataa 2da kooxood ee ugu wanaagsan ee isku magaalada ka yimid ee reer Manchester ee horyaalka England.

Manchester United's Bulgarian forward Dimitar Berbatov (L) reacts after a missed opportunity during the UEFA Champions League Group C football match between Manchester United and Benfica at Old Trafford in Manchester, north-west England on November 22, 2011. AFP PHOTO/ANDREW YATES
United, rajadeeda gacanteeda ayeey ku jirtaa, laakiin City ayeey xaaladu aad ugu culustahay waxaana laga rabaa iney ka badiso Bayern si ay u soo baxdo, waxaasi taasi ugu sii muhiimsan in Napoli ay qasaaro kala kulanto kooxda dhimatay ee reer Spain.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



