Ronaldo oo 100 gool dhaliyay iyo Madrid oo record ku soo baxday

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, November 3rd, 2011
Readers:891

LYON, France (CIYAARO)—Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 100d ee  Real Madrid kaasoo keenay in kooxda 9ka mar qaaday koobkaan ay si fudud ugu soo baxdo wareega 2aad ee  tartanka Champions League markii ay 2-0 kaga badisay Lyon.

Ronaldo kulankaan wuxuu ahaa kiisii 105d ee Madrid, wuxuuna goolashiisa ku daah furay laad xor ah oo uu dhaliyay  daqiiqadii 24d halka kiisa 2aad uu dhaliyay daqiiqadii  70d wuxuu ahaa gool rigoor ah.

Madrid, waxey sidaa ugu fadhidaa hogaanka Group D iyadoo leh 12 dhibcood, 5 dhibcood waxey ka sareysaa  Ajax, taasoo si arxan daro ah 4-0 ugu jiirtay Dinamo Zagreb. Lyon waxey fadhidaa booska 3d iyadoo 4 dhibcood leh.

Real Madrid's players celebrate after Real Madrid's Portuguese forward Cristiano Ronaldo, center, scored against Lyon during their Group D Champions League soccer match, at Gerland Stadium, in Lyon, central France, Wednesday, Nov. 2, 2011. (AP Photo/Claude Paris)

Madrid waa kooxda kaliyaha ee aan wax gool ah laga dhalin isla markaana wada badisay dhamaan kulamadii  heerak group stage. Madrid waxey marti galin doontaa kulanka soo soda Dinamo bisha Nov. 22keeda halka  Ajax ay booqan doonto Lyon.

United iyo Benfica oo hogaanka group C isku heysta 

MANCHESTER, England, (CIYAARO) -Antonio Valencia iyo Wayne Rooney ayaau kala dhaliyay  Manchester United  2-0 ay kaga badisay kooxda reer Romania ee Otelul Galati kulankoodii xalay oo Arbaco aheyd ee  tartanka Champions League, waxeyna u aheyd guushii 2aad oo ay ka helaan Group C.

Manchester United's Wayne Rooney, third right, is congratulated by team mates after scoring a goal against Otelul Galati during their Champions League group C soccer match at Old Trafford, Manchester, England, Wednesday Nov. 2, 2011. (AP Photo/Jon Super)

Man United , waxey min 8 dhibcood wadaagaan oo ay hogaanka Group C isku heystaan Benfica, oo kulankii kale ee isla group-kaan 1-1 la gashay Basel.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. Friendboy says:

    Kkkkkkkkkkk maah maah somaliyeed ayaa dhaheesa sidee xeego kuxagtaan ilkone kunabad galaan marka faanka hala iska daayo

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>