Xasan Wiish oo Soomaaliya u matalaya tartanka CECAFA senior challenge cup

by Suni Said Salah | Posted on Friday, November 25th, 2011
Readers:602
Maantay waxaa lagu wadaaa in  Magaalada Dar es salaam ee dalka Tanzania uu ka furmo tartanka Xulalka Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa senior challenge cup, tartankaasi waxaa ka qeybgalaya 16 garsoore  oo uu ku jiro garsoore  Xasan Wiish oo ah shaqsiga kaliyaha ee Soomaaliya tartankaasi u matalaya, kaasoo  23kii  bishaan ku guuleystay imtixaanka laga qaado garsoorayaasha inta aan loo xulan iney tartanka ka qeybgalaan.Garsoore Xasan Wiish  wuxuu sheegay inuu aad ugu  faraxsanyahay inuu Soomaaliya  tartankaan u matalo, isla markaana uu kalsooni buuxdo ku qabo inuu mar kale sanadkaan magac wanaagsan u soo hoyn doono shacabka Soomaaliyeed.
Ma jirin sanadihii la soo dhaafay Garsoorayaal badan oo  tartamada caalamiga ah iyo kuwo goboleedayada ugu qeybgalay Soomaaliya marka laga reebo Xassan Wiish oo ilaa iyo hada noqday garsooraha kaliyaha ee ka soo dhex muuqday  tartamada gobolka.Garsoore Xasan Wiish wuxuu ahaa garsoorihii ciyaartii fiinaalaha aheyd ee tartankii CECAFA Kagame Club Cup ee isla dalkaasi lagu qabtay horaantii sanadkaan , taasoo uu amaan badan ku mutay marka loo eego qaabkii uu u garsooray.

Garsoore Xasan Wiish oo ku baasay imitixaankii garsoorayaasha CECAFA

Garsoorayaasha tartanka loo xushay waxey kala yihiin ,  Ronnie Kalema (Uganda), Bamlak Tessema (Ethiopia), Davis Omweno (Kenya), Wish Yabarow (Somalia), Isarel Mujuni (Tanzania), Munyemana Hudu (Rwanda), Eric Gasinzigwa (Burundi) and Garvis Munyenziza (Rwanda).

Calanwadayaasha ayaa kala ah,  Mark Sonko (Uganda), Hassan Yacin Egueh (Djibouti), Clemence Erasmo (Tanzania), Idam Mohamed Hamid (Sudan), Khamis Maswa  (Zanzibar), Hamis Changwalu (Tanzania), Yohanes Girmai ( Eritrea) and Brazan Mamati (Kenya).

Tartanka Xulalka Bariga iyo Bartaha Afrika waxaa ka qeyb galaya 12 Xul oo loo qeybiyay 3 group , iyadoo Soomaaliya ay ciyaarta Furitaanka  ah galabtay la ciyaareyso Burundi,

Group A: Rwanda, Ethiopia, Tanzania and DjiboutiGroup
B: Uganda, Burundi, Somalia and Zanzibar.

Group C: Kenya, Sudan, Malawi and Eritrea

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>