Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo boorsooyinkiisa ka aruursaday tartanka CECAFA
Soomaaliya oo ku jirta Group-ka B ayaa waxaa loo saariyay 4-0 guuldaro ah markii ay meel ka baxsan caasimada dalka Tanzania ay isku hardiyeen Uganda oo ka mid ah xulalka ugu awooda badan gobolka.
Uganda ayaa si weyn uga gacan sareeysay xulka Ocean Stars ee Soomaaliya oo ay ka muuqatay tabardari aad u weyn, gaar ahaan qeybtii danbe ee ciyaarta oo goolashu wada dhasheen, iaydoo qeybtii hore 0-0 lagu kala nastay. walow ciyaartu intii ay socotay Captainka xulka Soomaaliya Yaasiin Jareere iyo ciyaaryahan Uganda ka tirsanaa garoonka laga saaray markii calaamadda casaanka ah la wada siiyay.
Laakiin weeraryahanka Uganda oo lagu magacaabo Emanuel Owki ayaa goolasha sadexleyda ah oo 3da gool ah ka dhaliyay Soomaaliya daqiiqadihii 63, 82, iyo 90-aad taasoo 4-0 guuldaro ah u saarisay Soomaaliya.
Xulka Soomaaliya kulankii ugu horeeyey ee tartankaan oo ahaa kii furitaanka oo ay ciyaareen maalintii jimcah aheyd waxaa 4-1 kaga adkaatay Burundi, sidaa dartee Soomaaliya waxey xaqiiqsatay iney iskaga hartay gabi ahaan tartanka CECAFA Senior Challenge Cup 2011.
Group-ka B oo ay Soomaaliya ku jirto waxaa hogaanka u haya Xulka Uganda oo 6 dhibcood leh, Burundi 4 dhibicoo, Zansibar 1 dhibic , Soomaaliya wax dhibci ah ma lahana ilaa iyo hada.
C/xafiid C/samad Zaciimka



![securedownload[10] securedownload[10]](http://ciyaaro.com/portal/wp-content/uploads/2012/05/securedownload10-55x55.jpg)