Zinidane oo loo doortay xiddigii ugu fiicnaa Champions League 20-kii sano ee la soo dhaafay

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, November 19th, 2011
Readers:829
Xiddigii hore xulka France iyo kooxda Real Madrid Zinidane Zidane ayaa loo doortay inuu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay tartanka xiisaha badan ee Uefa Champions League sida maanta lagu sheegay webka u gaarka ah xiriirka k/cagta caalamka ee Fifa.

Doorashada Zinidane Zidane ee jagadaan ayaa timid ka dib markii webka xiriirka k/cagta calamka Fifa u cod baxin balaaran ka qaaday suxufiyiin,ciyaartoy iyo taageerayaasha jecel k/cagta ee  ku kala nool daafaha caalamka,kuwaasi oo codkooda ku dhiibtay barta internet-ka ay ku leeyahiin Fifa,waxaana uu Zinidane Zidan noqday ciyaaryahankii helay codadkii ugu badnaa.

Zinidane Zidane waxuu cod baxinta kaga saramaary 49-ciyaartooy oo kula tartamaaye booska kowaad kuwaasi oo ay ugu horeeyaan weerayahanka kooxda Barcelona Lionel Messi,kaptankii hore xulka Italy iyo kooxda Milan Maldini,Xavi,iyo ciyaartooy kaloo caan ahaa kuwaasi oo taariikh lama ilaawaan ah kaso sameeyay tartanka Champions League.

Cidna ma hilmaami doonto waxyaabihii taariikhiga ahaa ee u Zidane soo sameeyay intii uu kusoo guda jiray garoomada gaar ahaan  goolkii- mucjisada ahaa ee dad badan ilaa hada la yaabanyahiin sida uu udhashay,kaasi oo uu ciyaaryahanka ka dhaliyay kooxda Bayern Leverkuson ciyaartii finaalkii koobkaan ee sanadkii 2001-2002 lagu qabtay magalada Glascow,markaasoo kooxda Real Madrid ka saaciday inay ku guleystaan koobkoodii 9-ad taariikhda tartankaan.

Dhanka  Weerayahanka xulka Cameroon iyo  kooxda Anzchi ee dalka Ruushka Sameul Eto’o ayaa noqday ciyaaryahanka kaliya ee kasoo jeeda qaarada Afrika ee ka mid noqda liiska 50-ciyaartooy ee ugu wanaagsanaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay tartanka caanka ah Uefa Champions League,isagoona qiimeyntaan ka galay booska 9-aad.

Hadaba liiska 50-ciyaartooy ee ugu wanaagsanaa 20-ki sano ee lasoo dhaafay Uefa champioen League hoos ka eeg:

1. Zinedine Zidane
2. Lionel Messi
3. Paolo Maldini
4. Xavi
5. Raul
6. Ryan Giggs
7. Clarence Seedorf
8. Luis Figo
9. Samuel Eto’o
10. Steven Gerrard
11. Andres Iniesta
12. Oliver Kahn
13. Andriy Shevchenko
14. Paul Scholes
15. Javier Zanetti
16. Alessandro Del Piero
17. Iker Casillas
18. David Beckham
19. Thierry Henry
20. Ronaldo
21. Carlos Puyol
22. Edwin van der Sar
23. Andrea Pirlo
24. Didier Deschamps
25. Alessandro Nesta
26. Fernando Redondo
27. Wayne Rooney
28. Frank Rijkaard
29. Kaka
30. Cristiano Ronaldo
31. Ruud van Nistelrooy
32. Roberto Carlos
33. Marcel Desailly
34. Jari Litmanen
35. Peter Schmeichel
36. Flippo Inzaghi
37. Dejan Savicevic
38. Gaizka Mendieta
39. Roy Keane
40. Claude Makelele
41. Fernando Hierro
42. Edgar Davids
43. Gianluigi Buffon
44. Stefan Effenberg
45. Ronaldinho
46. Deco
47. Lothar Matthaus
48. Frank Lampard
49. Fernando Morientes
50. Paulo Sousa

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”
xuseenriiko@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>