Aston Villa oo 3-1 ku dubatay Chelsea & Van Persie oo booska 4aad u diray Arsenal
LONDON (CIYAARO)—Aston Villa ayaa hal gool oo looga hormaray ku badashay 3 gool taasoo sababtay in ay 3-1 kaga badiso Chelsea, ciyaaro aad u xiiso badneyd oo ka dhacday Stamford Bridge , natiijadaasi waxey macalin Andre Villas Boas ka saareysaa 4 boos ee ugu sareysa Premier League.
Didier Drogba ayaa hogaanka u dhiibay chelsea markii uu gool rigoore ah u dhaliyay daiiqadii 23d. hayeeshee Stephen Ireland ayaa 1-1 ka dhigay ciyaarta isla qeybtii hore intii aysan dhamaan.
Chelsea oo u muuqatay in markii 4aad oo isku xigta ay bareejo galeyso ayaa Stiliyan Petrov uu niyada ka jabiyay markii uu 2-1 ciyaarta ka dhigay daqiiqadii 83d, laakiin waxaa si fiican Chelsea u quusiyay Darren Bent oo ciyaarta ku soo afjaray 3-1, waana markii ugu horeysay oo ay Aston Villa guul ku hesho Stamford Bridge laga soo bilaabo 2002.
Dhanka kale Robin van Persie ayaa Arsenal u diray booska 4d ee horyaalka Premier League, markii uu dhaliyay 1-0 ay kaga badiyeen Queens Park Rangers.
Guushaan Arsenal waxey ka sara marisay Chelsea oo ay kala baxday booska 4d ee horyaalka markii Robin van Persie uu dhaliyay goolkiisii 35d ee horyaalka.
United oo mar sii horeysay oo galabtay ah 3-2 guuldaro ah kala hoyaaday Blackburn ayaa waxey leedahay 45 dhibcood 19 kulan oo ay ciyaartay , City oo Axada ciyaari doonta ayaa gool tirsi ku hogaamineysa horyaalka waxeyna u safri doonaan Sunderland. Spurs 3aad ayeey ku jirtaa iyadoo wadata 39 dhibcood, Arsenal waxey leedahay 36 dhibcood halka Chelsea ay ka leedahay 34 dhibcood.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com




