Barca oo la hoyaaday koobkii kooxaha aduunka markii ay ku tumatay Santos
YOKOHAMA, Japan (CIYAARO)—Lionel Messi ayaa 2 gool oo mucjiso ah u dhaliyay Barcelona taasoo sababtay in 4-0 ay ku garaacdo kooxda reer Brazil ee Santos, sidaana kula hoyaaday koobkii kooxaha aduunka ee Club World Cup markii labaad taariikhdeeda mudo 3 sano ah.
Messi, Xavi iyo Cesc Fabregas ayaa qeybtii hore ee ciyaarta quusiyay kooxda Santos , iyadoo koobkaan uu Barcelona u yahay kii 13aad oo ay qaado intii uu macalinka u ahaa Pep Guardiola.
Messi oo labo abaalmarin isku qaatay ayaa daqiiqadii 82d ee ciyaarta wuxuu qaarajiyay Santos markii uu goolkii 4aad ee ciyaarta ka dhaliyay. Messi, waxaa loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka.
“Barcelona wey u qalantay guusha,” sidaa waxaa yiri Neymar. “waa kooxda ugu fiican aduunka , waxaana ka baranay cashir fiican. waxaana rajeyneynaa in aan dib ugu soo laabano tartankaan isla markaana aan ku guuleysano.”

Barcelona player Lionel Messi holds the Adidas Gold Ball trophy during the awarding ceremony after the final football match against Santos FC at the FIFA Club World Cup in Yokohama on December 18, 2011. Barcelona won 4-0. AFP PHOTO/KAZUHIRO NOGI
Barcelona waxey tartankaan Club World Cup qaaday 2009, iyadoo Messi uu u dhaliyay goolkii guusha ee ay 2-1 kaga badiyeen kooxda reer Argentine ee Estudiantes.
Markii ugu danbeysay oo ay koox ka timaaday South America ay koobkaan qaado waxey aheyd 2006 , waxeyna aheyd kooxda Internacional koobkaan ka qaaday Barcelona.
Kooxda Al-Sadd ee dalka Qatar ayaa 5-3 rigoorayaal ah kaga badisay kooxda reer Japan ee Kashiwa Reysol ciyaartii kaalinta 3aad ee tartankaasi.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



